Maxaa looga hadlayaa Kalfadhiga Baarlamnanka 11-aad ee furmay?

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka furmay Baarlamnanka cusub11-aad Kalfadhigiisa 1aad, Kulankiisa 1aad.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominaya Xildhibaan Cabdisalaam Axmed Liibaan oo ah Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, waxaana inta uu socdo kulanka hadalo ka jeedinaya Xildhibaano kooban, sida uu qorshahu yahay.

Ajendaha Kulanka Maanta ayaa ah:

1-Furitaanka aayadaha Quranka Kariimka

2-Ansixinta Ajendaha

3-Dhaarinta Xildhibaano

4-Hadal-jeedinta Guddoomiyaha KMG ah Xil.Cabdisalaam Axmed Liibaan

5-Qeybinta Dastuurka

6-Qeybinta Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS7-Qeybinta habraac kumeel gaar ah ee kala guurka Baarlamanka 10-aad iyo baarlamanka 11aad iyo xeer hoosaadka u gaar ah doorashooyinka Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaliya iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.