Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelan doona kulankii ugu danbeeyay kalfadhiga koowaad ee Golaha Shacabka kaas oo ka dhici doona xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

Kulanka maanta ayaa looga hadli doonaa afar qodob oo ay ka mid yihiin dhageysiga warbixin ku saabsan dhibaatada ka jirta Gobalka Bakool ee DG Koonfur Galbeed iyo cod u qaadidda laba Habdhawre ku-xigeen uu soo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa dooran doona xubnaha Guddiga kor joogteynta Dib- u- eegista Dastuurka KMG ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS, xilli waajibaadka dowladdaan uu ka mid yahay qabyotirka Dastuurka Dowladda federaalka Soomaaliya.

Howlaha ugu waaweyn ee Golaha Shacabka u qabsoomay Kalafadhiga 1-aad ee maanta soo xirmaya waxaa ka mid ah ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2022 iyo kalsooni siinta Golaha Wasiirada iyo barnaamijka Xukuumadda uu hogaamiyo RW Xamse Cabdi Barre.