Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdishoq ku yeeshaan mid ah kulamadooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta uu kulanka jiro, isla markaana Ajandaha uu yahay Dhamaystirka Akhrinta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Maalintii Isniinta aheyd ee todobaadkaan ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa loo qeybiyay xeer hoosaadka ay ku Shaqeyn doonaan si ay u akhriyaan, waxaana laga sugayaa Xildhibaannada inay dhawaan ansixiyaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin adag oo dhowr ah iyo ansixinta hindise Sharciyeedyo muhiim u ah howlaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.