Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta lagu wadaa in kulan ku yeeshaan Xildhibaannada Golaha Shàcabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana looga hadlaya Arrimo muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo Xildhibaannada shalay ku waregliyay in uu jiro kulanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in la Magacaabi doono guddi ku meel gaar ah oo Labada gole ka kooban kaas oo miisaaniyadda ka soo shaqeeya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay  in waqtiga aad loo ilaaliyo si xildhibaanada waqti fican ugu helaan ka doodida Ajendiyaasha markaa taagan kadib markii shalay Xildhibaannada ay soo xaadiri waayeen waqtigii loo baahnaa.

Shalay ayay Xildhibaannada labada Aqal yeesheen Kulan wadajir ah, kaas oo Wasaaradda Maaliyadda ay Xildhibaannada horgeysay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022..