MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo isniin ah ay yeeshaan kulankoodii cadiga ahaa, iyaga oo uga hadldi doonaan qodomo muhiim ah.
Xildhibaannada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in uu jiro kulan weynaha Baarlamaanka, isla markaana Ajandaha kulanka maanta uu yahay Akhrinta 2aad ee Qoondada Miisaaniyadda 2021.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb gaalan kulankaas, si loo dardar geliyo howlaha weli horyaalla Golaha.
Maalintii shalay aheyd ayuu dhammaday muddo xileedkii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoona xilka siheyn doona ilaa iyo inta laga soo dooranayo Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.