Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeelanayaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in uu Maanta jiro Kulanka Golaha Shacabka, isla markaana ajandayaasha Maanta kulanka ay yihiin:-

1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka

2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Korantada

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa laga yaaba inay maanta ansixiyaan Hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Korantada.

Dhowr kulan oo kan ka horreeyey ayaa dood adag waxaa dhexmartay ansixinta Hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabadsugida.