Maxaa looga hadlayaa Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa ku saabsan doorka Culimada ee la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qotadheer u dul istaagayaa.

1. Sharciyad Ka Qaadista al-Shabaab: Sixida Fahamak Saxda ah ee Diinta
Islaamka.

2.Sharciyad Siinta Dawladda: Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga
ah.

3. Dhisida Golaha Saree e Culimada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo
Sharciyeyntiisa.