Maxaa sababay in ciidamada dowaladda ay isaga baxaan deegaanka Wabxo iyo deegaano kale?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda ay xalay isaga bexeen deegaanka Wabxo oo dhamaadka todobaadkii hore ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab kadib dagaal mudo saacada ah socday.

Wararka la helayo waxa ay tilmaamayaan in ciidamadda ay dib ugu soo laabteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ah meesha ay markoodii hore ka duulaan tageen, waxaana jirta hadal heyn ka dhalatay talaabadan.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo kamid ah saraakiishii howlgalka lagu qabtay Wabxo hoggaamineysay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage uu bixiyay amarkan, isagoo carabka ku dhuftay ineysan garaneynin sababta rasmiga ah ee aarintaasi ka danbeyso.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in go’aanka la qaatay kadib markii dalalka taageera Soomaaliya ay bixiyeen digniinta ah iney khatar wajahayaan ciidamadda halkaasi ku sugan oo ay hareerohooda isku uruursanayaan Shabaabkii ugu badnaa oo doonaya iney weerar cag marin ah kusoo qaadaan Wabxo.

Dowladda Somaaliya ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin sababta keentay in Ciidamadeeda ay kasoo saarto degaanka Wabxo, waxaana xusid mudan in shalay diyaaro siday Ciidamo horleh ay gaareen degmada Maxaas si ay ula wareegaan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.