Maxaa sababay in dumar ay ka mid noqon waayaan doorashada baarlamaanka Somaliland.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururrada u dhaqdhaaqa arrimaha haweenka ee Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, ayaa walaac ka muujiyey in haween badan aysan ku soo bixin Doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo kan wakiillada ee dhawaan lagu soo gabogabeeyey.

Seddax hablood oo keli ah ayaa ku soo baxay goleyaasha deegaanka, halka baarlamaanka aysan u soo bixinba qof dumar ah.

Baarlamaanka hadda wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland waxaa ku jirtay hal gabadh, balse midda cusub, xitaa middii lagama heli doono.

Haddaba maxa keenay in dumar badan ay doorashooyinka ku soo bixin waayaan? Maxaa loo aaneyn karaa arrintan?

Iimaan Maxamed Cumar oo ka tirsan hawl wadeennada Dalladda ururrada aan dawliga ahayn ee Sonsaf, waxay sheegtay in arrinta ay dhaqan sabab u tahay.

“Waxaa ka mid ah dhaqanka iyo dhaqan-dhaqaalaha ee shicbiga reer Somaliland ama umadda Soomaaliyeed qaabka ay u nool yihiin”, ayey tiri, iyadoo la hadlaysay BBC Somali.

“Waxaad arkeysaa dad badan oo leh ‘dumarka may isku codeeyaan?’ balse dumarka iskuma codeyn karaan, waayo anigeygaan Imaan ah ee kul hadlaya waxaan u taaganahay qabiil, oo reerkeyegaas uunbaan u codeynayaan”.

Waxay sidoo kale tilmaamtay in gabadha guursatay reer kale ay saameyn ku yeelaneyso arrintaas oo aysan heleynin codadka doorashada.

Waxay Imaan tiri: “Gabadha laba reerood u dhexday waxaa ku dhacaya in ay wax ka wayso labada dhinacba. Waxay is waydiinayaan oo ay ka doorbidayaan inanka sharaxan.”

Arrimaha kale ee loo sababeynayo waxaa ka mid ah dhaqaalaha oo dumarka aad ugu yaraan iyo in dhaqdhaqaaqooda baraha bulshada uu aad u koobnaa.

Sidoo kale, Iimaan waxay tilmaamtay in xilliyada ololaha iyo sida ragga ay habeenka u safrayeen in ay haweenka ku adkayd. “Habluhu mayna lahayn meelo waaweyn oo la iskugu yimaada”. Ayey sheegtay.