Maxaa sababay in Ganacsato Soomaali ah lagu xiray dalka Turkiga?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska magaalada Ankara  ee dalka Turkiga ayaa 16-kii bishan waxaa ay xireen ganacsato Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo shalay oo talaada ah lasoo daayay,.

Ganacsatada ayaa waxaa loo qabtay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay kaga baxaan dalka Turkiga.

Tirada Soomaalida Ganacsatada ah ee la xir xiray ayaa gaaraysa ilaa 9 qofood oo isugu jira 7 rag ah iyo laba dumar ah.

Safiirka Soomaaliya ee magaalada Ankara Ambassador Jaamac Caydiid ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay dacweeyeen dadka Xaafada ay ku Ganaxsanayeen, balse dadaal farabadan ay sameeyeen kusoo daayeen.

Waxaa uu sheegay in sababaha dadkaan loo xiray ay aheyd in ay dalkaasi ku tageen Viisooyin Dalxiis iyo kuwa Ardaynimo,  isla markaana dalka Turkiga aan laga ogoleyn.

Sababta ganacsatadaan loo xiray ayaa lagu sheegay in dhowr jeer loo keenay digniino kala duwan lagana dalbaday inay Sharciga wadanka ku joogaan ka dhigtaan mid Shaqo, balse ay ku adkaatay.