Maxaa sababay in Guddiga Doorashooyinka Somaliland ay dib u dhigaan hadal jeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare?

GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa dib u dhigay hadal jeedintii berri ee Musharaxiinta Aqalka Sare.

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in maanta ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si berri oo 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.
Dib ayaan kasoo sheeegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Arrintan ayaa u muuqataa bilow cusub oo caqabad ku ah doorashada Gobolada Waqooyi, maadaama loo aaneynayo in sideed oday dhaqameed oo xalay laga kaxeeyay Xarunta Afisyooni oo la geeyay Madaxtooyada Villa Somalia, kaddib markii maanta Guddiga doorashada uu xareeyay 46 ergo ee dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND