Maxaa seddex jeer dib u dhigay Doorashada, Deni iyo Farmaajo maxay ku heshiiyeen?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Doorashada Soomaaliya ayaa muddo seddex jeer ah dib u dhacday, ayadoo 10-kii Oktoober ay aheyd maalintii loo asteeyey inay qabsoonto doorashada madaxweynaha ayaa ilaa hada qabsoomin.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu ku faraxsan yahay dib u dhaca doorashada, maadaa isag ay ka wareegtay masuuliyada doorashada loona wareejiyey Ra’iisul wasaraare rooble.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa la sheegay in isaga Madaxweyne Farmaajo ay isku raacsan yihiin in doorashada dib loo dhigo, sababtoo ah labada masuul ayaa dan ugu wada jirta dib u dhaca. Deni ayaa waxaa uu ku howlan yahay doorashada Deegaanka, umana haayo waqti uu ku bilaabo doorashada aqalka hoose, haka farmaajo uu wax welwel ah ka haynin doorashada maadaamaa laga wareejiyey masuuliyada doorashada.

Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa rajaynaya in doorashada laga dhigo hal deegan doorasho ama caasimadaha Maamulada sidaasna ay sugayaan inay doorashada billaabaan.

Midowga Musharaxiinta ayaa Madasha Wadatashiga Qaran ku eedeeyey inay ayaga masuul ka yihiin dib u dhaca doorashada.

Rajadii laga qabay inay doorashada si deg deg u billaabato ayaa soo dhamaatay. sidoo kale waxaa hoos u dhacay dhaqaalihii wadanka, waxaa so korortay amni darro. shacabka ayaa aad uga niyada jabsan madaxda Dowladda.