Maxaa soo celceliya khilaafka Guddoonka Guddiga Doorashada ee Gobollada Waqooyi?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shalay oo Sabti ahayd waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay Guddoonka Guddiga Doorashada ee Somaliland, iyada oo ay ka maqnaayeen xubnihii uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Doorashadaasi waxaa durbaba soo dhaweeyay ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, wuxuna sheegay in uu sii wadi doono waanwaanta uu ka dhex wado labada dhinac ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

Labada garab ayaa ka ah; garab uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo garab kale oo uu hoggaamiyo ra’iisalwasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed.

Tan iyo markii u billaabmay geeddi socodka doorashada Soomaaliya, is-qabqabsiga ka taagan xubnaha metelaya Gobollada Waqooyi ayaa ahaa meelaha ugu waaweyn ee la isku maandhaafsanaa. Markii ra’iisalwasaare Rooble la wareegay hannaanka doorashada, waxaa loo arkayay in hawshani ay soo dhammaan doonto, waxaase muuqata in maalin weliba weji cusub ay sii yeelaynayso.

Maxaa keenay is-qabqabsiga?

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku doodaya in uu yahay mas’uulka ugu sarreeya siyaasiyiinta Somaliland ku metala dowladda Federaalka, waxaana uu doonayaa in uu wax ku yeesho go’aannada khuseeya qaabka loo maamulayo kuraasta gobollada waqooyi, halka raysalwasaare ku xigeen Mahdi uu isaguna qabo dood taa u dhaw oo ah in uu yahay mas’uulka ugu mudan ee xaq u leh magacaabiddan iyo guud ahaan maamulka arrimaha gobollada woqooyi.

Kulan is-afgarad ah oo u dhexdhexaadiyay ra’iisalwasaare Rooble ayay labada dhinac ku heshiiyeen in ay kala qaybsadaan xubnaha lagu muransan yahay oo midba in ka mid uu soo magacaabo.

Waxaase weli jira muran ka taagan sidii ay u qaybsan lahaayeen guddoonka guddidaasi, iyaga oo labada dhinac xubnihii ay kala keeneen waa Mahdi iyo Cabdi Xaashi uu mid weliba kal hore uu isu doortay gaarkii.

Waxaana u danbeeyay isla doorashadan hadda oo ay ka maqan yihiin garabkii Cabdi Xaahi.

Horey waxaa u jirtay in Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in xukuumaddu ay tanaasul ka sameysay arrinta xubnaha gobollada woqooyi oo sida ay sheegtay iyada oo “sharci-darro ay tahay” la siiyay Cabdi Xaashi afar xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada ee soo xulaya xildhibaannada gobollada woqooyi.

Wasiirka warfaafinta, Cismaan Duube, oo mar saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu ku gacan seyray afartaasi xubnood ee loo oggolaaday, sidaana la isku mari waayay.

“Xukuumadda waxay ka tanaasushay oo ay u tanaasushay guddigii dhexdhexaadinta iyo odayaashii madaxweyneyaasha ka ahaa maamul-goboleedyada in Cabdi Xaashi la siiyo afar xubnood oo guddiga doorashooyinka ah oo ka mid ah guddiga doorashada Somaliland… haddana wuu diiday Cabdi Xaashi inuu qaato afar xubnood oo ah 40% xubnaha guddiga doorashooyinka,” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Waana markii saddexaad ee la doorto Khadar Xariir iyo ku xigeenkiisa Najiib oo shalay guddoomiye iyo ku xigeen mar kale loo doortay, iyada oo saddexdaa jeerba ay ka maqnaayeen garabka Cabdi Xaashi.