Maxaa Xalay dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Kumeel gaarka ah Ee golaha aqalka sare soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf gaagaab ayaa ka hadlay kulankii maanta ka dhacay Muqdisho.

Khubadii uu senetarada ujeediyey gaagaab ayuu ka hadlay sida looga fal celiyey dhaarintii xildhibaanada labo cisho ka hor iyo baahida loo qabo in marxalada kala guurka ah dalka laga saaro.

Senetor gaagaab ayaa sheegay in xafiiska wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan laga soo wacay looguna hambalyeeyey shaqada hor taalla Aqalka sare.

Sidoo kale Senetor gaagaab ayaa faah faahin kooban ka bixiyey taleefoon ay kuwada hadleen isaga iyo madaxweyne Farmaajo markii uu soo dhamaaday kualnkii Rooble la qaateen isaga iyo dhabancad.

Gudoomiyaha Kumeel gaarka ah Ee golaha aqalka sare soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf gaagaab ayaa hoos udhigay wararka a isla dhexmarayey oo ahaa in Farmaajo laga sheegayey doorasho diid inuu yahay balse war kaas ka duwan uu kala kulmay markii ay wada hadleen.