Maxaa xalay dhexmaray Xasan Sheekh & Laftagareen?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed Casiis Xasan Laftagareen.

Laftagareen hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ku Booqday Xasan Sheekh Maxamuud oo ah musharax markale u taagan xilka Madaxweynenimo oo horey 2017 looga adkaaday doorashadii waagaas dhacday.

Saameynta Xasan Sheekh ee doorashada 2021-2022 ma ahan mid sahlan, waxaana uu wadaa dhaqfhaqaaq ku aadan arrimaha doorashada.

Laftagareen ayaa sida aan wararka ku helayno u balan qaaday sidii uu usoo.saari lahaa Xildhibaan taageersan Xasan Sheekh islamarkaan in siman oo daacad ah ula shaqeyn doono Xasan Sheekh iyo Musharaxiinta kale.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta Midowga Musharixiinta oo uu Xasan Sheekh kamid yahay dib u dhaca doorashada ay ku eedeeyeen Golaha wadatashiga Qaran oo uu kamid yahay lafta gareen oo loo xaglinayo dhanka Farmaajo.