
MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay qaaday tilaabo kale oo uu ku muujinayo awoodiisa dhanka doorashadda.
Sideed oday dhaqameed oo ka mid ah 46 Ergo ee soo dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa xalay la geeyay Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo shir kula yeesheen Madaxweyne Farmaajo.
Oday dhaqameedka sideeda ah ee Madaxtooyada la geeyay ayaa ka mid yihiin kuwa ugu saameynta badan Gobolada Waqooyi ee shalay lagu xareeyay Xerada Afisyooni, si ay Maalinta berri ay u doortaan Senatarada Aqalka Sare.
Tallaabadan ayaa loo arkaa carqalad cusub oo ku wajahan doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo la filayo in todobaadkan soo dhammaato, maadaama Ergooyinka doorashada ka qeyb qaadanaya shalay la xareeeyay.
Waa tilaabi oo Farmaajo ku doonayo inuu awoodiisa doorashada uu ku muujiyo, wuxuuna doonaya inuu meesha ka saaray awoodii doorashada ee Rooble la wareegay.