Maxaa xiligan kusoo beegay in dowladda ay amarto in laga guuro dhul aan hada loo baahey?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta xukuumada Soomaaliya, ayaa amartay in si dhaqsi ah ay uga guuraan dadka degan xaruntii wasaaradda oo ku taala xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan.

Dadka degen dhismahan wasaaradda ayaa halkaas ku nool tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waqtigaas oo xarumo badan oo dowli ah ay gacmaha u galeen dad shicib ah.

“Anaga oo ka duuleyno Amarka Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta kaas oo ah ilaalinta hantida hantida qaranka gaar ahaan hantida maguurtada ah ee Wasaaradda Batroolka ee dhammaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir ayaan waxaan fareeynaa dhammaan dadka degan xarunta Wasaaradda Batroolka ee kutaalla Seybiyano inay sida dhaqsiyaha badan uga guuraan Sababtoo ah waxaa looga baahan yahay in dadkii guud oo markii hore loo dhisayba loo isticmaalo oo dib loo dhaqan geliyo ayaa lagu yiri” Qoraalka”.

Go’aankan ayey adkaan doontaa in la dhaqan-geliyo, waxaana halkaas sanado badan degan boqolaal qoys oo ilmihii ay ku dhaleen ay ilmo sii dhaleen.

Dhinaca kale Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa lagu sheegay inaan wax Guri ah laga dhisi karin, si kumeel gaar ah, aaga Garoonka Diyaaradha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.