Maxaad ka ogtahay arrinta ka dambeysa khilaafka Qoor-Qoor iyo Cali Ciid?

MUQDISHO AYAAMAHA Khilaaf xoog leh ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed kaariye QoorQoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, taas oo si toos u soo shaacbaxday maalmo ka hore.

Khilaafkaan ayaa soo shaacbaxday kadib markii wasiirka arrimaha gudaha Galmudug uu xilka ka qaadan madaxweyne ku xigeen Cali Ciid, islamarkaan ku eedeeyey inuu khiyaano ka dhexwado dagaalka lagula jiro Alshabaab, balse taas waxaa durba beeniyey Qoorqoor islamarkaan garab siiyey saaxibkiisa wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, beeniyeyna xilka qaadista wasiirka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qoorqoor iyo wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ay lugooyo ku haayaan dagaalka lagula jiro Alshabaab, islamarkaana xagal daacinayaan dagaalka, sidookalene Qoorqoor uu khiyaameeyey Maxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaalka hormuudka u ah.

Balse arrin taas ka duwan ayaa durba soo ifbaxday, waxayna labadan massul isku hayaan waa doorashooyinka Galmudug la filaayo inay dhawaan la qabto, balse aan isku haynin dagaalka Alshabaab, waxaan soo shaacbaxday in khilaaf uu ka dhashay kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu guddiga doorashooyinka xubin laga siin waayey.

Khilaafka QoorQoor iyo Cali Ciid ayaa xoogeystay, waxaana guddiga doorashooyinka Galmudug si toos ah ula wareegay Qoorqoor, sidookalena wasiirka arrimaha gudaha oo hormuud ka ah doorashooyinka ayaa isna saaxib dhow la ah Qoorqoor, iyadoo Cali Ciid banaan cidlo ah kusoo dhacay, taasoo sababtay inuu warbaahinta la hadlo.