Maxaad ka ogtahay ‘Bisha’ ay Farmaajo iyo Rooble qorsheynayaan inay soo gabagabowdo doorashada?

Rooble wax shaqo ah ku laheyn go’aanka xeer ilaaliyaha Kiiska Ikaan.
Rooble wax shaqo ah ku laheyn go’aanka xeer ilaaliyaha Kiiska Ikaan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa si tartiib ah ku bilowday doorashooyinka golaha shacabka baarlamaanka 11aad Soomaaliya oo la sheegay in xitaa maamul gobolleedyada qaar iskaga gaabsadeen inay doorashada bilaabaan.

Buuqa ka dhashay daah furnaan la’aanta doorashada,dacwooyinka beesha caalamka lala wadaagay,Culeyska la saaray Rooble iyo Qorshaha Farmaajo oo dib usoo laabashadiisa doonaya ayaana usabab ah in doorashada muddo hakad gasho.

Xubno ka ag dhaw Xafiisyada Farmaajo iyo Rooble ayaa siyaabo kala duwan usheegaya in si hoose uwada xiriiraan laguna ballamay in la daahiyo doorashada si muddo kordhintii la diidanaa loo sameeyo.

Madaxweyne farmaajo ayaa heshiis gaar ah la galay Rooble uu magacaabay september 2020-kii sanad ka hor isagoo khilaaf dhawaan soo kala dhex galay heshiiskeeda Dawlada Qatar ay ka qeyb qaadatay.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in ilaa bisha maarso sanadka cusub ay doorashada jiid jiidkeeda la gaarsiin doono taas oo sanad ka badan noqoneysa mudadii xafiiska uu joogay sida sharciga aheyd.

Dooda doorashada ayaa cirka isku shareertay kadib markii Midowga Musharaxiinta ay qaadaceen hanaanka ay doorashada u socoto, taas oo keentay wax kabedel lagu sameeyo.