Maxaad ka ogtahay burburkii kadib marxladaha ay soo martay Hay’adda NISA?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Generaal Tuuryare ayaa qalinka u qaatay in wax badan uu ka qoro marxaladaha ay soo martay Hay’adda NISA, tan ilaa markii dib loo aasaasay burburkii kadib.

Taliyaha ayaa ka sheekeeyey marxalado markii aad maqasho aad dareemayso in wadanka meel fog laga keenay dowladnimadiisa siiba hay’adda NISA, soona maray wajiga adag oo laga soo gudbay hada.

Qoraalkaan ayaa waxaa uu ka turjumayaa sida hada Hay’adda NISA siyaasada loogu adeegsado iyo dhibaatada laga soo maray sidii dib cagaheeda ugu istaagi laheyd oo sirdoonka wadankana u hagaagi lahaa.

Hoos ka akhriso qoraalka Taliyaha.

hay’addan oo dib loo aasaasay 2005ti waxay soo martay marxalada kala duwan oo aan goobjoog u ahaa,mar waxay aheyd qorsha laptob ku jira( 2005-2006 Jowhar),mar waxay aheyd qorshihii oo daabacan +Taliye iyo xogheyntiis wareega oo aan Xafiis ama xarun laheyn( 2006-2008 Baydhabo),mar waxay aheyd Taliye xarun kumeel gaar ah fadhiya,4 xafiis,40 ciidan labisanaa(PS) iyo 40tameeyo saraakiil odayaal hore ah oo inta badan macalimiin u ahaa shaqaalaha cusub ee kusoo biiraya hay’ada,iyadoo intaas NISA kawada tirsana ay Dowlada Soomaaliya ka qaatan100$ oo saf mar ah askeri ilaa Genaraal,sidoo kalana ay UGUS haystaan xaruntoodi dhexe iyo 2 meeleeod magaalada Muqdisho,(2009-2011 Muqdosho).

2012- ilaa maantana waxay NISA ahayd Hay’ad fulinaysa qorshaheedi ahaa sal u dhigidda aasaaskeeda & taagidda Tiirarka jiritaankeeda, qorshahaas oo la dejiyay 2012di marba waxbaa ka fulaayay, waxaana ugu muhiimsanaa howlihii hortebyada lahaa ee badankood ay fuleen: shuruucdeeda,isbalaarinteeda Gobalada Dalka oo dhan,qorashada xirfadlayaal xiliga ku haboon,Bajad u sameynteeda,dhimista ciidanka muuqda iyo kobcinta ciidanka aan muuqan ee xirfadeysan, soo celida xiriiradeeda dibada, Saxida qaab dhismeedkeeda, lajaan qaadida Tignolojiyada casiriga ah iyo qalabeynta qeybaha kala duwan ee Hay’adda IWM.

Sidoo kale qorshaha Hay’adda waxaa ku jirtay lana fuliyay in Magaca iyo sifaha laga bedelo oo halki ay magac ahaan NSS ka ahaan jirtay laga dhigo NISA si magacii sumcada xumaa ee kaligii talisku ku caburin jiray muwaadiniinta meesha looga saaro sidoo kale magaca PS (privat Security) oo waagaa caan noqdana aan hay’ada loogu hugin maadaama uu ahaa magac ajnabi u bixiyay qeyb ciidan labisan ahaa oo waagaas ay tababareen NISA.

Halki ay sifa ahaanTalis ka ahaan jirtana laga dhigo Hay’ad si loo rayadeeyo ayna ula jaan qaado hay’adaha dhigeeda ah ee ka dhisan wadamada Dimuquraadiga ah sidi Somaliya. sidaa daraadeed madaxa Hay’ada wuxuu noqonayaaTaliye marka loo magacaabo qof Taliye ah, marka qof rayad ah loo magacaabana wuxuu noqonayaa Agaasime,hay’aduna waxay ka koobantahay ciidan iyo rayad.

Hadaba maadaama ay ay aheyd NISA hay’ad keydisa sirta qaranka kana hortagta khataraha halista ku ah qaranimad waxaa Taliyayaashi iyo agaasimayaalki kala duwnaa ee soo maray badankood isku taxalujin jireen in la yareeyo saameynta ajnabigu ku leeyahay hay’adda oo ay qaarkood dagaal uu ajnbigii la galo dartii xilka uga tageen.

Maadaama aysan Dowlada Somaliya wada dhameystiri karin baahida Hay’ada waxaa jiray wadama sxbo kula ah Somaliya kiiska argagixisa ladagaalanka oo caawinaayay NISA,caawintaas ayaa inta badan sababeysay faragelin iyo culeys uga imaanaayay NISA sxbada ajnabiga ah qaarkood,faragelintaas oo mararka qaar kalifeysay in ay ajnabigu talo ama go’aan ku yeeshaan Taliyaha loo magacaabayo Hay’ada ama Taliyaha laga bedelaayo,arinkaas oo ay ka dhalaneysay in hay’adu mararka qaar u nuglaato ajnabigii khataraha uu la imaan karay ay ka hortegi laheyd.

Dhinaca kale iyana waxaa jiray isqabqabsi xaga siyaasiyiinta Dalka ugu sareeyay ahaa oo inta badan caqabad halis ah ku ahaa hay’ada maadaama ay aheyd hay’ad xaga tayada,xogta iyo abaabulnaanta(awood & xog kulantay) ku dhaanta Talisyada kale ee ciidamada, taas oo keeneysay in madaxdu isku qabqabsato;inkastoo hadana aan la inkiri karin in Madaxda hay’ada qaarkood ay qeyb ka noqdeen mushkilada maadaama ay ku kala milmeen siyaasiyiinta is haysatay amaba hada is heysta, oo waxaa la sheegaa in xafiiska ugu muhiimsan uguna dhaqaalaha badan uguna shaqada badan ee ka shaqeeya maanta Hay’ada uu yahay Xafiiska Siyaasada, taas ayaan keeneysa/keentay in baxarka hada ay NISA ku jirto ku dhacdo.

Maanta oo ah 22 September 2021 kadib 17 sano oo laga soo wareegay dib u aasaasidi NISA waxaan madaxda kala duwan ee qaranka ku baraarujinayaa amaba kula talinayaa in aysan burburin inta ka hartay hay’adaas muhiimka u ah qaranka oo waqti,maal badan iyo juhdi badan lasoo geliyay,sidoo kalana ha ogaadaan haday iyagu (madaxweeynahan & Ra’salwasaraha) ku heshiin waayaan NISA waxaa dhaceysa in ajnabigu la wareego soo xulana Taliye aysan iyagu diidi kareyn maadaama ay 2doodi ku heshiin la’yihiin ilaa hada Taliye aan ajnabigu diidi karin.

W/Q Genaral Tuuryare