Maxaad ka ogtahay ‘hal dabeecad’ oo Farmaajo iyo Deni ka siman yihiin?

Madaxweyne Farmaajo waa nin aamusan oo aan war badneyd balse go'aanadda uu qaato ku adkeysta
Madaxweyne Farmaajo waa nin aamusan oo aan war badneyd balse go'aanadda uu qaato ku adkeysta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xilli weli Magaalada Boosaaso ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Agaasimaha Ciidamada Hay’adda PSF ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu weerar afka ah ku qaaday Saraakiisha Ciidamada PSF.

Deni oo socdaal ku maraya degaano ka tirsan Gobolka Nigaal ayaa sheegay in dalkan uu yeelanayo Ciidan balse uusan yeelaneyn Ciidan rag leeyihiin, hadalkaas oo u muuqda mid uu ku durayo Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland oo Maalmihii la soo dhaafay uu khilaaf kala dhaxeeyay.

Dhanka kale Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa waxay isaga egyihiin dabeecadaha qaar iyo go’aanada xasaasiga ah ee mararka qar ay qaataan.

Madaxweyne Farmaajo waa nin go’aan adag oo aan tanaasulka aqoon, waxay is qabteen siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi, guddooyihii hore ee Baarlamaanka Pro Jawaari, Guddoomiye Mursal Sheekh.

Sidookale waxay is qabteen Xasan Cali Khayre. wuxuu labad jeer weeraray dagaal toos ah ku qaaday labaddii madaxweyne ee isaga ka horreysay, Hotel Ma’ida iyo Mirinaayo sidoo kale diyaarad ay la socdeen ayuu u diidey inay ku dagto Beledweyne taasoo halis gelisay naftooda. waxay sidoo kale is qabteen Ra’iisul Wasaaraha hada talada haaya ee Rooble, ugu dambeyn go’aankii Farmaajo ayaa shaqeeyey oo Roole ayaa tanaasulay.

Madaxweyne Farmaajo waa nin aamusan oo aan war badneyd balse go’aanadda uu qaato ku adkeysta oo aan marna ka tanaasuleynin.

Dhanka kale dadka siyaasada ka faalooda ayaa waxay sheegayaan in Maaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaai Deni uu lamid yahay Farmaajo oo waa nin go’aankii uu qaato marna ka tanaasulin, waxay dhowr jeer is qabteen farmaajo, wuxuu meel fagaaro ah ka sheegay siraha ama wadasheekeysiga gaarka ah ee dhexmaray Farmaajo iyo isaga weliba hadallo mudnaan in la qariyo.

Sidookale waxay is qabteen guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, wuxuu ka tuuray xilkii guddoomiye-nimo, waxaa kaloo ay is qabteen siyaasiyiin badan oo uu kamid yahay Wasiir Jamaal oo loo diiday in ilaaladiisa uu kala soo dago garoonka diyaaradaha Garoowe. Sidookale hada waxay is hayaan siyaasiyin badan oo xildhibaano doon ah.

Taliyaha ciidanka PSF Puntland ee hada isagu xilka ka qaaday, wuxuu ku adkeystay inuu la dagaalami doono, wuxuu ciidamo badan soo dhoobey magaalada Boosaaso.

Taliyaha PSF waxaa xilka ka qaadi waayey madaxweyniyaashii isaga ka horreeyey ee Faroole iyo Cabdi weli Gaas, iyagoo ka baqaayey inay PUntland shaqaaqo ka dhacdo.