Maxaad ka ogtahay lacagta bil walbo ku baxdo Muqtaar Roobow iyo noloshiisa?.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka soo jawaabay warbixiintii uu ka dalbaday Wasiirka Amniga ee ku saabsaneyd xaalada Mukhtaar Roobow.

Warqad uu ku saxiixnaa Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, waa Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

Jawaabta Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa laga dheehan karaa in NISA ay Roobow u haysto inuu weli yahay Al-shabaab oo aan soo buuxinin sharuudihii isa soo dhiibitaanka dadka ka soo goosta Al-shabaab, iyadoo la ogyahay in Rooboow ciidamo Itoobiyaan ah kasoo xireen Baydhabo isagoo Musharax ah, xili uu u taagnaa xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Horay Muqtaar Rooboe oo Warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu xaalad xun ku sugan yahay, sidoo kalena waxaa xusid mudan in bannaanbaxyo waa weyn ay ka dhaceen Baydhabo, kadib markii shacab caraysan oo ka xun xarigga Roobow ay isugu soo baxeen Magaalada.