Maxaad ka ogtahay qorsha qorsoon ee Farmaajo dejiyey?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxdan hogaanka uu u haayo Madaxweyne Farmaajo ee Nabad & Nolol ayaa qorsheystay oo muddo hore dejiyey in dib udhac la geliyo jadwalka doorashada ee la shaaciyey.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warar la helay waxay sheegayaan in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu damacsan yahay in ilaa Febraayo 2023-da uu doonayo inuu sii joogo Xafiiska.

Saan saanta muuqata isku dhacyada Ahlusuna iyo Galmudug,Khilaafka Hiiraan Ee Siyaasiyiinta & Hirshabelle waxay ka tarjumeysaa qorshaha Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ay damacsanaayeen ee ku aadan doorashada iyo dib udhigeeda.

Warar ayaa sheegaya in Kiiska Ikraan Tahliil uu qeyb ka yahay waxyaabaha jah wareerinta lagu gelinayo dadka si doorashada dib udhac loogu geliyo.

Shakiga soo baxaya ayaa sheegaya in Rooble iyo Farmaajo ay si hoose xiriir uleeyihiin lagana yaabo in afka uun ku koobnaa khilaafkooda balse ay wada shaqeyn sameeyaan.

Mucaaradka ayaa ka digay in doorashada dib udhac kale ubaahneyn xilli xisbiyada qaar ay iyagu ka dhex tafan tahay oo qolo walbo ay doonayaan in ololahooda uu unajaxo.