Maxaad ka ogtahay qorshaha ay Villa Soomaaliya u dejisay Senator Muuse Suudi?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilo xog ogaal ayaa xaqiijinaya saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe madaxweynaha maamulkaasi iyo Villa Soomaaliya ayaa ka shaqaynayo qorshe halis ku ah Senator Muuse Suudi Yalaxoow.

Qorshahaan ayaa la doonayaa in kursiga Aqalka sare ee uu ku fadhiyo Senator Muuse Suudi laga wareejiyo nin kale oo ay Nabad. iyo Nolol wata, waa hadii qorshuhu u fulo sidii loogu tala galay.

Kulan ka dhacay Villa Somalia oo u dhexeeya madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cali Guudlaawe iyo Luqmaan Xaaji gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la isku raacay in aan Muuse Suudi laga reebin liiska Musharixiinta balse baarlamaanka lagu cadaadiyo in ay doontaan ninka kursiga kula qoran oo ay wadato Villa Somalia.

“Hadii Muuse laga reebo liiska waxa laga cabsaday in uu dagaal ka bilaabo Hirshabeelle iyo Muqdisho marka waxaa la isku raacay in lagu daro Liiska balse baarlamaanka lagu cadaadiyo in aysan codka siin Muuse Suudi, runtii waana la isku raacay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle.

Dhanka kale beesha Mudullood oo mudooyinkii dambe waday kulamo is dabajoog ah oo looga hadlaayay masiirka siyaasadeed ee beesha ayaa la isku raacay in Muuse Muuse loo dhaafo kursigiisa maadaama uu yahay oday beesha ka tirsan aadna isku hayaan madaxweyne Farmaajo.

Sarkaal kale oo ku dhow madaxweyne-yaashii hore ee dalka ayaa u sheegay Warqaad in la isku raacay in Muuse uu noqdo hoggaamiye beeshu gurigiisa ku soo hirato noqda ninka xaliya arimaha cida dhexdeeda ah.