Maxaad ka ogtahay Qorshaha ay wadaan Xasan Sheekh iyo Wasiirkiisa Batroolka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Batroolka Soomaaliya C/risaaq Maxamed, ayaa dadaal ugu jira in Axmed Xirsi oo ah seyga hore ee Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar loo magacaabo agaasimaha shirkadda xeebaha ee Cayman Islands oo ganacsigeedu xumaaday.

Axmed Xirsi oo hadda ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu guursaday gabar katirsan Familka Wasiir C/risaaq, waxaana marti u yahay wasiirka bilihii lasoo dhaafay. Xagga waxbarashada iyo waayo-aragnimada, Axmed ma laha awood uu ku socodsiiyo mashruucan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dabada ka riixaya magacaabista Axmed Xirsi iyadoo dowladdu ay isku dayeyso inay bilowdo mashaariicda shidaal baarista ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dood adag ay ka taagan tahay qeybsiga kheyraadka dalka. Tusaale ahaan, maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa dhawaan uga digay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa inaysan billaabin mashaariicda shidaal baarista illaa laga gaarayo heshiis la isku raacsan yahay, si kastaba ha ahaatee Xasan Sheekh ayaa dhegaha ka fureystay oo sii wata qorshihiisa.

Khubarada ayaa ku doodaya in Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go’an tahay in uu bilaabo hawsha sahaminta shidaalka ee muranka badan dhalisay oo uu qoyskiisa iyo saaxiibadiisa dhowba ku xidho dhammaan ilaha dhaqaale ee warshadaha shidaalka ee dalka.