Maxaad ka ogtahay qorshaha dahsoon ee Soomaaliya lala damacsansan yahay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Iyadoo Soomaaliya tahay dal madax banaan oo xuduudihiisa iyo qaranimadiisa ay fagaarayaasha caalamka ka sheegto inaan lagu soo xad gudbin ayaa hadana cabsi cusub ay soo baxeysaa.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ah Gudoomiyaha xisbiga garsoor ahna sidoo kale murashax Madaxweynaha Soomaaliya 2021-ka ayaa ka digay halis kusoo wajahan soomaaliya.

Sakariye Xaaji cabdi oo aad ufalan qeeya arimaha soomaaliya sanado dhowr ahna xildhibaan soo ahaa ayaa sheegay in AMISOM & Qaramada midoobeey ay soomaaliya la damacsan yihiin gumeysi cusub ay geliyaan.

Waxa uu ka digay Xildhibaanku in chapter 7 qorshe ah la wado oo ay Hay’adahaasi isku kaashanayaan in howlgal kaga fuliyaan Soomaaliya isagoo tani hadii aan laga dhiidhin uu ku sheegay in Isticmaar ama gumeysi hor leh Soomaaliya ku geli doonto sida uu warka udhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday qorshe horu dhac u ah qorshahaan oo ahaa in ciidamada dowladda aan aheyn kuwo is difaaci karo oo lagu aamini karin amniga dalka.

Madaxtooyada Qaranka ayaa hada waxaa ilaaliya Ciidamada AMISOM iyo sidoo kale amniga Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha.