Maxaad ka ogtahay qorshaha ku gedaaman guriga loo dhisaayo Madaxweyne Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalmahan baraha bulshada waxaa ka socda qorshe lacag loogu aruurinayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la sheegay in guri loogu dhisi rabo.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu hayo lacag farabadan taas oo loogu talagalay in lagu bixiyo doorashadii Madaxweyne ee 15 May ka dhacdey Muqdisho balse aan la isticmaalin lana rabo in la isticaalo sidaasna.

Barnaamijkaan lacag ururinta ayaa loo adeegsanayaa in lagu sharciyeeyo isticmaalka lacagahaan oo la sheegay in xitaa lacaga qaar loo haayo cadaan oo xitaan Bank yaalin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa weli ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo weli aan la caleema saarin Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqata in la wado qorshe dood loogu furaayo dowlada cusub.