Maxaad ka ogtahay qorshe lacag lagu kala qaatay oo ay fulisay Xukuumadda Soomaaliya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xog lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaali Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo in xildhibaanadda BFS ay meel mariyaan qorshaha dowladda ee wajiga labaad ee wax ka bedelka dastuurka oo ay soo dejisay xukuumadda.

Qorshahan miiska saaran ee la rabo in xildhibaanada ay meelmariyaan ayaa kala ah:- 1. Xeerka Asxaabta 2. Xeerka Doorashooyinka 3. Guddiga Doorashooyinka, taas oo gundhig u ah, in Xildhibaanada lacag loogu bedeshto ansaxinta qodobadan ee wax kabedelka dastuurka, ayadoo xildhibaan-kasta la siin doono bishii lacag dhan $2,000, mudo labo bilood ah.

Ilo xog-ogaal ah oo katirsan Baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyey in arrintaan loo xilsaaray dhowr qof in ay ka shaqeeyaan, iyaga oo xildhibaanadda ka dhaadhicinaya ansaxinta qodobadan, taas bedelkeeda ay qaataan lacagta, waxayna xildhibaan-walba weydinayan Account numberkiisa si lacagta loogu shubo.

Xildhibaanno badan oo kamid ah kuwa Account-nada dhiibtay oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyey xogtan, sidookale waxay aad ugu walacsan yihiin in labo bil kadib markii la ansaxiyo qodobadan telefonka laga dansan doono, lagana goosto lacagta $2,000 ah oo bil walba loo balan qaaday.

Si ay dowladda ugu hirgasho arrintaan ayaa xildhibaanada loo kala qeybiyey deegaan ahaan iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan sida:- 1. Digil iyo Mirifle 2. Dir, 3. Daarood, 4. Hawiye 5. Beesha 5-aad, waxaana loo Xilsaaray rag katirsan xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Magacyada raggan howshaan ay dowladda u xilsaartay ayaan idin soo bandhigi doonaa goordhow.

Ayaamaha.com