Maxaad ka ogtahay sababo ay Muudeey & Maxamed Mursal ku weyn kara booskooda Xildhibaanimo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Marxalada doorashada Soomaaliya ayaa gashay meel xasaasi ah, waxaana bilowday doorashada Xildhibaanada aqalka sare.

C/weli Ibraahim Muudeey oo ah Gudoomiye kuxigeenka koobaad Ee Golaha Shacabka ayaa warar la helay waxay sheegayaan in uu wajahayo cadaadis ah in laga reebo sanadkaan booska Xildhibaanimada.

Lama oga in Villa Soomaaliya ay tani gadaal ka riixeyso iyo in kale balse wararka ayaa sheegaya in qudhiisa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ah Afhayeenka Golaha Shacabka uusan rajo 100% ah heysan soo laabashada kursiga.

Doorashada Soomaaliya sanadkaan oo aad uxiiso iyo xamaasad badnaan doonta ayaa isha lagu wada hayaa sida ay wax unoqdaan waxaana madaxda Dawlad Gobolleedyada badankood ay taageero umuujin karaan Madaxweyne farmaajo.

Muudeey iyo Maxamed Mursal oo Nabad iyo nolol ah ayaan la garaneynin waxa xilligaan ay dareemaan culeyska siyaasadeed oo booskooda ay wal wal kaga qabaan.

Magaalooyinka Baydhabo & Kismaayo ayaa doorashada iyo howlaheeda aad loo dareemay iyadoo kulamo badan ay halkaasi ku leeyihiin siyaasiyiinta xildoonka ah iyo odayaasha dhaqanka beelaha.