Maxaad ka ogtahay sababta xilka looga qaaday taliyihii kumaandooska Danab?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Militariga Soomaaliya Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa xilkii ka qaaday taliyahii ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka islamarkana loo magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo Gaashaanle Caydaruus Xuseen.

Sababta taliyaha xilka looga qaaday ayaa lagu sheegay dayacaad iyo inuu gabay masuuliyadiisa kadib markii dagaal ka dhacay  deegaan hoos taga Degmada Galcad ee gobolka Galgaduub kuna dhow deegaanka Budbud.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in qofkast oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu mutaysan doono ciqaab xilka qaadis iyo xarig iyo inay wajahidoonan ciqaabo kale hadii ay kasoo bixi waayaan waajibaadka ciidan ee horyaalka.

Waa markii ugu horreysay taliska ciidanka xoogga uu saraakiisha kale kula xisaabtamo dayaacad iyo caqabado ku yimid ciidamada.