Maxaad ka ogtahay shakhsiyaadka ay kala wataan Farmaajo & Rooble ee lagu bedelaya Fahad Yaasiin?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa saacadihii u danbeeyay maraya maalmihiisii Siyaasadeed iyo awoodii xad dhaafka aheeyd ee uu Fahad Yasiin ku lahaa saaxada Siyaasadda Somalia , waxa aana la ogeeyn talaabadan Fahad daaqadda looga saaryo waxa ay kabadali doontid hamigii Farmaajo uu ka lahaa mar kale inuu xukunka dalka dib u qabsado.

Waxaa durba bilaabmay dadaalo iyo olole siyaasiyiinta qaar ay rabaan inay ku hantaan xilka uu hadda hayo Fahad Yasiin ee Agaasimaha haya’adda NISA .

Dhanka kale kulan ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa xogo aan ka helnay waxey sheegayaan in Farmaajo uu qorsheenayo inuu  Fahad Yasiin is casilo Isla markaana uu magacaabo mid kamid ah xigtada Fahad Yasiin ahna agaasimo ku xigeenka Madaxtooyada Abdi Nuur.

Xogo kale oo aan ka helnay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegaya in inta laga soo dhisayo dowlad cusub xilkaas qof kale inaan loo magacaabi doonin ayadoo lafilayo Fahad Yasiin in lagu sameeyo keliya shaqo joojin balse aan xilka si toos ah looga qaadi doonin .

Arintaas Rooble oo ka warhelay ayaa ku hanjabay hadii ay dhacdo in Si cad u qaadici doono Isla markaana Fahad Yasiin maxkamad lasoo taagi doono. Warar hoose ayaa tibaaxaya  in Rooble uu booskaas larabo Bashiir Goobe oo horay usoo qabtay xilkaas .

Rooble ayaa dareensan hadii Fahad lagu badalo Abdi Nur in arinta ay uga soo dari doonto Isla markaana xoogaga mucaaradka aysan marnaba aqbali doonin .