Maxaad ka ogtahay sida RW cusb ee XAMZA uu u garab istaagay Maqaamka Muqdisho?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo hadda ka hor ka qeyb galay dood ku saabsaneyd maqaamka Muqdisho ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda ay reer Muqdisho u leedahay inay helaan metelaada ay xaqa u leeyihiin.

Doodaan oo la qabtay maalmihii ay jirtay hadal heynta 13-kii xubnood ee Farmaajo uu sheegay in Aqalka Sare laga siinayo reer Muqdisho ayuu Xamza ka sheegay in Farmaajo uu sirayo bulshada gobolka Banaadir, isla markaana lagu beer-laxowsanayo kuraas aan la sii doonin.

Waxaa rumowday doodii uu maalintaas Xamza ka jeediyey madal ay ku sugnaayeen siyaasiyiin uu ku jiray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana dadka reer Muqdisho looga baxay balan qaadkii 13-ka kursi.

Sidoo kale intii ay socotay doodaas Ra’iisul Wasaaraha cusub wuxuu soo bandhigay sharaxaad dheer oo muujineysa sida uu u doonayo in bulshada gobolka Banaadir ay helaan metelaadooda.

“Caasimadaan ay malaayiinta qof ku noolyihiin ee dowladdu degan tahay, dadkeedana aad loo canshuuro, jidadka laga xiro, qaraxyadana lagu laayo dadkeeda, waxaa u dheer adeeg la’aan xitaa ma helaan biyo nadiif ah, caafimaad lama siiyo, jidadka looma dhiso, wax adeeg ah, haba yaraatee dowladaan kama helaan,” ayuu yiri xiligaas yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Sidoo kale Xamza wuxuu xiligaas ku dhaliilay dowladii Farmaajo inay ku celcelineysay inay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku guul dareysatay inay maamul u soo dhisto gobolka Banaadir.

“Reer Muqdisho xaq waxay u leeyihiin inay maamulkooda soo doortaan oo helaan adeeg dowladeed, loona maamulo sida shucuubta degan caasimadaha caalamka, 13-kaan kursi ee la sheegaayo waa lagu indha sarcaadinayaa, yaa soo dooranaya horta? Waxaa looga gudbayaa caqabado markaas taagan ee 13-ka xitaa ma heli doonaan reer Muqdisho,” ayuu xiligaas yiri R/Wasaare Xamza Barre.

Ciwaanka doodii uu ka qeyb galay xiligaas ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ahaa “Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo maareynta xiligga kala guurka siyaasadeed.”..