Maxaad ka ogtahay taariikhda labada wasiir ee isku heysta wasaaradda amniga gudaha?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa taagan hadal heyn xooggan oo ku saabsan go’aankii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xilka uga qaaday Wasiirkii Amniga Gudaha, jagadaas oo uu u magacaabay siyaasi kale.

Xassan Xundubeey Jimcaale oo xilkaas hayay waxaa lagu baddalay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo isla maantaba loo dhaariyay xafiiska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsatay go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku magacaabay wasiirka cusub. Dhanka kale Xasan Xundubeey ayaa ku adkeystay inuu wali yahay wasiirka Amniga Gudaha.

Haddaba maxaan ka og nahay taariikhda labada nin ee xuddunta u ah khilaafka wasaaradda Amniga Soomaaliya?

Xasan Xundubeey Jimcaale

Inta uusan ku biirin siyaasadda, dad badan waxay ku yaqaanneen xirfaddiisa wariyenimada oo uu uga howlgali jiray warbaahinta caalamiga ah.

Xasan Xundubeey ayaa sheegay in wali uu yahay wasiirka Amniga, inkastoo jagadaas loo dhaariyay Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Laanta af carabiga ee BBC-da ayuu muddo uga soo warrami jiray magaalada Khartuum ee caasimadda u ah waddanka Suudaan.

Waxaa kale oo uu lasoo shaqeeyay telefishinka Al Jazeera ee uu fadhigiisu yahay dalka Qadar.

Inta aan wasiirka laga dhigin waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee wadanka Imaaraadka Carabta. Xilligaas waxaa taagnaa khilaaf adag oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Bishii October ee sanadkii 2020-kii ayaa loo magacaabay xilka wasiirka amniga gudaha, isagoo tan iyo xilligaasna gacanta ku hayay wasaaraddaas oo ka mid ah kuwa ugu shaqada iyo mas’uuliyadda badan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Nuur

Inta uusan siyaasadda Soomaaliya ku biirin, Cabdullaahi Maxamed Nuur waxa uu soo noqday Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Qaranka ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa loo dhaariyay xilka Wasiirka Amniga Gudaha

Intii uu hayay hoggaanka ururka dhallinyarada, mar waxa uu lasoo shaqeeyay hay’ado Turki ah, sida uu isaga laftiisa u sheegay warbaahinta.

Dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu kasoo noqday Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa uu xubin ka ahaa baarlamaanka hadda muddadiisu sii dhammaaneyso ee Soomaaliya.

Dad badan waxay ku yaqaanaan inuu yahay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, waana milkiilaha hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho.