Maxaad ka ogtahay tirada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee weli dhiman?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa noqday maamuladii ugu horreyay ee soo dhameystira doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana horay loo dhameystiray xildhibaanada gobolada Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga.

Golaha Shacabka ayaa ka kooban 275 Xildhibaan ilaa hadda waxaa la doortay 242 xildhibaan, waxaana xildhibaano ay ku dhiman yihiin oo kaliyah maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Hirshabeelle waxaa ku dhiman 13 Xildhibaan halka maamulka Jubbaland ay ku dhiman yihiin 20 Xildhibaan, waxaana sababta Jubbaland wali ay u dhaqaajin la’dahay lagu sheegay khilaafka ka taagan doorashada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Guud ahaan xildhibaanada dhiman waa 33 Xildhibaan, kuwaasoo qaarkood lagu waddo in magaalooyinka Beledweyne iyo Kismaayo lagu kala doorto todobaadkaan.

Dhowaan ayaa la filayaa in la billaabo doorashada guddoonka golaha Shacabka, waxaan la saadaalinayaa inuu kusoo bixi doonto Guddooyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo katirsan Xisbiga Himilo Qaran.