Maxaad ka ogtahay ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri oo Khamiis ah ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku tagi joogi doono.

Safarkan ayaa ah kii afaraad oo dibadda ah tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay 15 May, Madaxweynaha ayaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Tagistiisa Nairobi ayaa bilow u noqoneysa dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay xiriirkii labada dal oo gaaray heer Safaaradaha lakala rarto, intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo..