Maxaad ka ogtahay welwelka iyo Jahwareerka heysata Senetarada cusub?

senetarada cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe oo maanta ka hadlayey munaasabad ka dhacday Muqdisho ayuu kaga hadlay jahwareer ay galeen senetaradii la doortay Afar bil ka hor.

Dubbe ayaa dhaliilay dib udhaca ku yimid Doorashada golaha shacabka iyo habacsanaanta lagu wado kuraasta doorashadooda dib loo dhigay.

Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay daahida doorashada lagu hayo iyadoo uu quus ka muujiyey in xitaa ID ama kaar aqoonsi xitaa loo sameynin xildhibaanada aqalka sare.

Majirto adduunka doorasho noocan ah, in Sanetar 6 bilood ka hor la doortay, hadane aan laheyn wax mushaar ah ayuu yiri Wasiir Dubbe, isagoo sii hadlaaya ayuu sheegay in Senatarada cusub ay kasoo tageen shaqoodii hore hadane aan haysan wax shaqo ah.

Waxa uu ku baaqay in doorashada la dar dar geliyo si xaalada kala guurka dalka looga saaro isagoo tusaalooyin badan soo qaatay dib udhigida doorashada.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayuu xusay inay ka warqabaan arrintaan oo isagu horrey ugula hadlay balse ay tahay in labada gole ee Aqalka Sare iyo Midka Hoose ay halmar lawada dhaarin doono hadane halmar lawada siin doono ID oo ay isku xiran yihiin.

Cusmaan Abokor Dubbe