Maxaad ka taqaanaa Gabadha caawa qabsatay baraha bulshada Soomaalida?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Baraha bulshada Soomaalida waxaa caawa si weyn u qabsaday sawirrada gabadh lagu magacaabo Samiira Naasiir oo loo magacaabay taliyaha booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Samiira Naasir oo ah gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa loo magacaabay taliyaha booliska ee degmada Shibis, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda.

Samiira oo 23 jir oo katimid dalka Norway kuna soo barbaartay ayaa katirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxayna sheegtay in weligeydba ay jeclaan jirtay Askarnimada.

Ma ahan askari cusub ee waa askariyad ka soo shaqeysay qiibaha kala duwan ee xaruumaha Booliska.

Samiira Naasir ayaa la sheegay inay haysato qibrad dhanka dembi baarista ah waana sababta loogu dhiibay Taliyaha Saldhiga.