Maxaad ka taqaanaa ninka loo doortay Kursigii uu ku fadhiyey Cabdiweli Muudeey?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka socota Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada kursiga Xildhibaanimo ee Golaha Shacabka ee #HOP145 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdalla Axmed oo doorashadiisa ka dhacday Baraawe. Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay C/weli Muudeey Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad.

Maxamed Cabdalla ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaa la sheegaa inuu heysto dhalashada Australia, sidoo kale waxay xidid yihiin Fahad Yaasiin, isla markaana uu lahaa keenistiisa, si uu meesha uga saaro C/weli Muudey.