Maxaad ka taqaanaa saaxiibkii Fahad Yaasiin ee Xasan Sheekh u raacay Dalka Eritrea?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisa dalalka gobolka [Geeska Afrika] iyo guud ahaa waddamada Qaaradda Afrika ka billaabay dalka Eritrea, halkaasoo uu galankii danbe ee Sabtigii ku tagay booqasho afar cisho ah, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki.

U jeedka Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah u kuur galidda xaaladdaha ku xeeran askar nidaamkii Farmaajo si qarsood ah tababar ugu geeyay Eritrea 2019-2020, isaga oo wada-hadallo labo-geesood ah oo ku aaddan xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeellan doona Afwerki, kaas oo tan iyo 1993 hoggaamiye ka ah dalkaas.

Safarka Madaxweynaha waxaa ka soo muuqday, mid ka mid ah saraakiisha NISA ee aadka ugu dhawaa Fahad Yaasiin, kaas oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Xaaji Maxmauud [Cabdrisaaq Eritrea] oo ka mid ahaa saraakiisha heysay malafka ciidanka ku maqan dalkaas, bud-dhigna u ahaa xiriirka sirdoon ee labada dal.

Cabdirsiaaq, wuxuu kaalin weyn ku leeyahay safarka, wuxuuna noqday shaqsiga kaliya ee Soomaaliga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya kala qeyb galay kulan xalay ka dhacay Madaxtooyada Casmara, wuxuuna fadhiyay booskii La-taliyaha Amniga Madaxweynaha iyo Agaasimaha NISA ee safarradii Abu Dhabi iyo Ankara.

Cabdrisaaq Eritrea, wuxuu ku barbaaray Casmara oo uu qaxooti ku ahaa muddo dheer, wuxuu ka mid ahaa safarkii Fahad Yaasiin bishii Feberaayo ee sanadkaan ku tagay Baladweyne, wuxuuna raadinayay kursiga HOP#274, kaasoo uu dib ugu guuleystay, Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Xasan [Nuux].

Sidoo kale xoguhu waxa ay sheegayaan in ay jiraan saraakiil kale oo qeyb ka ahaa shaqsiyaadka aadka uga war qabay xogta askarta oo Madaxweynaha ku wehliya socdaalka, kuwaasoo ay ka mid yihiin saraakiil uu dhawaan dallacsiiyay Agaasimaha hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Dhallinyarada maqan oo markii la qaadayay loo sheegay in la geynayo dalka Qatar, ayaa la filayaa in markii ugu horreeysay maanta la helo araggooda, kuwaas oo Madaxweynihii hore Farmaajo 23 Maajo 2022, uu tiradooda ku sheegay 5000 oo askari, hayeeshee, xogo hore u soo baxay ay sheegayeen in tiradu ku dhaweed 7000 oo askari.