Maxaad ka xasuusataa Shantii ballan ee uu qaaday Madaxweyne Farmaajo oo ku guuldareystay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo waxay u badan tahay in uu mar kale isu soo taagi doono qabashada xilka, balse, waxaa uu wajahayaa dharbaaxooyin qaarkood uu isugu isu geystay kadib markii uu fuliyey inta badan balanqaadyadii uu sameeyay intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashooyinka.

Hadaba waxaan soo bandhigeynaa 5 kamid ah arrimaha hor-tabinta u leh qaranka oo uu Farmaajo ku balanqaadey ololihiisa balse uu aakhirkii ku guuldareystay.

  • Al-Shabaab: Sannadkii 2017, wuxuu ballanqaaday inuu 2 sano gudahood kaga adkaan doono. Iska daa in la wiiqo, mucaaradka wuxuu xusay in maleyshiyada ay sii korortay awoodeeda.
  • Musuqmaasuqa: Sanadkii 2017, wuxuu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono musuqmaasuqa, Soomaaliya weli waa dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.
  • Dastuurka: Sanadkii 2017, wuxuu sheegay inuu dhameystirayo dastuurka kahor doorashadda. Maamulkiisa wuxuu ku fashilmay dhismaha guddiyada dib-u-habeynta Axdiga heer qaran.
  • Faragelinta shisheeye: Sannadkii 2017, wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo faragelinta shisheeye ee dalalka deriska ah. Laakiin wuxuu u adeegsanayaa ciidamada Itoobiya sidii uu u burburin lahaa mucaaradka iyo Federaalka.
  • Doorashada: Wuxuu ballanqaaday inuu qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah, oo ku dhici doonaan waqtigii loogu talagalay. Waxaa laga waayay mid dadban oo wadar-ogol ah.

Dhamaan qodobadan ayaa hor-tabin u leh geedi-socodka dowladnimada Soomaaliya, waxaana ay kamid yihiin caqabadaha waaweyn ee uu wajhihi doono maamulka 4-ta sano