Maxaad kala socotaa magaalada ugu nolosha wanaagsan caalamka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Auckland ee dalka New Zealand ayaa loo aqoonsaday magaalada ugu nolosha wanaagsan caalamka, qiimeynta sanadle ah xilli uu caalamka halakeeyay cudurka safmarka ee Coronavirus.

Qiimeyntan oo ay sameysay hay’adda sahminta dhaqaalaha ee lo soo gaabiyo (EIU) ayaa waxaa lagu qiimeeyay 140 magaalo iyada oo si gaar ah loo eegayo arrimo ay ka mid yihiin xasiloonida, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo helitaanka daryeelka caafimaadka.

Balse feyriska Corona ayaa noqday waxa go’aaminaya liiska snadkan iyo sida kaalimaha loo kala galay.

Waxaa hoos uga soo dhacay kaalmihii ay ku jireen magaalooyinka dalalkaYurub halka kuwa Australia, Japan iyo New Zealand ay kor u kaceen oo kaalmaha hore ay soo galeen.

Dalalkaas jasiiradaha ah waxay si dhakhso leh uga jawaabeen feyriska Corona iyaga oo sidoo kale awood u yeeshay inay yareeyaan kiisaska isla markaana ay dabciyaan xayiraadaha.

Wadamada Midowga Yurub, dhanka kale, waxaa dib u dhac ku yimid billaabidda talaalka waxaana dalal badan oo ah kuwa Yurub ay soo rogeen xiyiraadyo adag taasoo oo dhaawac u geysatay kaalimihii ay gali lahayeen sahankii la smaeeyay sanadkan.

Magaalada Auckland ayaa kaalinta koobaad ka gashay magaaloyiinka ugu noolasha wanaagsan, Osaka ayaa gashay kaalinta labaad, halk aAdelaide oo Australia ah ay kaalinta sadaxaad soo gashay.

Magaaalada Wellington oo ku taal New Zealand iyo caasimada Japan ee Tokyo aya kaalmaha afaraad iyo shanaad soo galay.

Dalka Britain ma jirin magaalo so gashay tobanka kaalin ee ugu sareeya.

“Auckland in ayaa kaalin ahaan sare u kacday taasi iyada loo aaneynayo qaabkii ay ugu guuleysatay ee ay u wajahday cudurka Covid-19, taasi oo bulshada fursad u siisay inay isu furnaadaan magaaladuna ay kaalin wanaagsan gasho,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda EIU.

“Magaalooyinka Yurub ayaa si gaar ah ugu liitay qiimeynta sanadkan,” ayay intaasi raacisay.

Sideeda magaalo ee hoos uga soo dhacay tobanka ugu sareeya qiimeynta ayaa ahaa magaalooyinka yurub.

Tusaale ahaan, magaalada Vienna waxay hoose uga soo dhacday kaalinta koowaad waxayna gashay kaalinta 12aad.

Caasimada Austria waxay hogaamineysay liiska dhowr sano, waxayna kaalmaha hore wada gali jireen magaalada Melbourne.

Laakiin magaalada Hamburg oo ku taal woqooyiga Jarmalka ayaa si aad ah hoos uga soo dhacday snadkan kaalintii ay ku jirtay oo 34 waxayna soo gashay kaalinta 47aad.

Liiska tobanka magaalo ee ugu noolasha wanaagsan

Auckland, New Zealand

Osaka, Japan

Adelaide, Australia

Wellington, New Zealand

Tokyo, Japan

Perth, Australia

Zurich, Switzerland

Geneva, Switzerland

Melbourne, Australia

Brisbane, Australia

Liiska tobanka magaalo ee ugu noolasha xun

Damascus, Syria

Lagos, Nigeria

Port Moresby, PNG

Dhaka, Bangladesh

Algiers, Algeria

Tripoli, Libya

Karachi, Pakistan

Harare, Zimbabwe

Douala, Cameroon

Caracas, Venezuela

Waxaa turjumay BBCSOMALI