Maxaadan ogeyn oo saaka kasocda Degmada Guriceel?

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka degan kadib maalmihii la soo dhaafay oo ay ku dagaalamayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Wararka ayaa sheegaya in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay is weeyraadsanayaan labada dhinac oo ku kala sugan goobo isku muuqdo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa ku sugan inta badan xaafadaha degmada Guriceel halka kuwa Ahlusunna ay ku sugan yihiin dhinaca Waqooyi ee degmada gaar ahaan Aaga Jaamacadda.

Dhinacyada ku dagaalamay Guriceel ayaa waxaa u imaanaya gurmadyo kala duwan, waxaana mid kasta uu ku dadaalayaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa guud ahaan degmada Guriceel.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah saacadihii la soo dhaafay geysay degmada Guriceel, kuwaas oo dagaal la geli doona Al-Shabaab.

Waxaa is weydiin mudan in ciidamadii ugu badnaa ee dowladd iyo taliyaal kala duwan ay dagaal qeyb ka ahaayeen hadana wax natiijo ah laga gaarin dagaalka.