Maxad ka ogtahay ujeedka Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ee imaanaya Muqdisho?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo ayaa la filayaa in Axadda Maanta ah  soo gaarto Magaalada si kulamo ula yeelato mas’uuliyin ka tirsan madaxda Sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka ee the Star in Wasiir Omamo in safarkeedii ugu horreeyay ay ku imaneyso muqdisho.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo ay kulamo la yeelan doonto dhiggeeda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna ay wadahadal la yeelan doonto Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad Baraha bulshada looga hadal haayay in Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo ay Xukuumadda Soomaaliya kala hadli doonto kiiska Badda ee Maxkamada horyaal, in kastoo Xukuumadda Soomaaliya fah fahin  ka bixin.

Dalalka Soomaaliya & Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeyay khilaf salka ku haayay muran Badeedka, kaas oo dhawaan xal ka gaaray, hayeeshee aysan jirin wada=hadallo rasmi ah oo labda dowladood dhex-maray.