Maxamed Bin Salmaan oo laga hor-istaagay casuumaad uu ku tagi lahaa Ingiriiska

Iyadoo Britain ay isu diyaarineyso aaska qaran ee boqorad Elizabeth-da Labaad, ayaa hay’adaha xuquuqul insaanka waxay dhaleeceeyeen go’aanka lagu casuumay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga.

Maxamed Bin Salmaan, ayaa kamid hoggaamiyeyaal fara badan oo caalamka kala imanaya, oo lagu martiqaaday inay ka soo qeyb galaan xafladda ka dhacaysa Westminster maalinta Isniinta, ee nagu soo fool leh.

Hey’adaha sirdoonka reer galbeedka, ayaa soo gaba gabeeyay baaritaan ay sameeyeen, in si kasta oo ay tahay in dhaxal suguhu uu u amray dilka saxafiga Sacuudiga ee, Jamal Khashoggi, sanadkii 2018-kii, in arrintaasi uu amiirku beeniyay.

Mid kamid ah kooxaha u doodda xuquuqul insaanka, iyo ololaha ka dhanka ah in laga iibiyo hub Sucuudiga, ayaa Sacuudiga iyo boqortooyooyinka kale ee Khaliijka ku eedeeyey inay aaska Boqorada u adeegsanayaan qaab ay ku daahirinayaan diiwaankooda xuquuqul insaanka ee xun