Maxamed Ibraahim Macalimuu Oo Ka Hadlay Xilka R/W Rooble U Magacaabay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxamed Ibraahim Macallimuu oo uu shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay afhayeenka xukuumadda federaalka ayaa ka hadlay xilkaasi cusub ee loo magacaabay, kadib war qoraal ah oo uu maanta soo saaray.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Macalimuu ayaa waxaa uu ugu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilkaas u magacaabay, isagoo Alle ka baryay inuu u fududeeyo shaqada loo idmaday.

HOOSE KA AKHRISO:

Alla ayaa mahad leh. Waxa aan halkan si xushmad iyo qaddarin leh ugu mahad celinayaa Reysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble oo ii magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo La Taliye Sare ee Warfaafinta.

Waxa aan Eebe ka baryayaa in uu howshaas ii u fududeeyo ,waxaan sidoo kale u mahad celinayaa dhamaan intii soo dhaweysay.

Tan iyo 1995-kii waxa aan la shaqeynayay hey’ado caalami ah oo isugu jiray kuwa samafal iyo kuwa warbaahineed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ,marka hadii Eebe qaddaro inta ka dhiman waqtigeyga inshallah waxa aan ka shaqeyn doonaa dowladnimada .

Saxaafadda iyo Siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan ,suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda,aniguna ka mid baan noqday.

Alla aan ka barino in dalkeenna uu inoo nabadeeyo .Colaad in ku filan waan soo aragnay .Inshallah aan si wadajir ah uga shaqeyno danta dadkeenna.

Allah ayaa badbaade leh ee haigu shartiro howshan uu RW Rooble ii magacaabay .