Maxamed Shariif waxaa uu kamid yahay qaar badan oo tusaale u ah dhallinyarada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nolashada shaqo la’aanta ah ee ka jirta dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa la kulmi kartaa waxyaabo kala duwan oo dareen kugu abuurikara.

Maxamed Shariif Cabdulaahi waxaa uu kamid yahay qaar badan oo tusaale u ah dhallinyarada Muqdisho kuwaas oo sameystay shaqo abuur taas oo kaafisa noloshooda caadiga ah.

Maxamed Shariif waxaa uu ku shaqeystaa Miisaanka casriga ah ee digitalka oo loo yaqaano altarsoonic mashiin, oo lagu cabiro Isku dheeli-tirnanta culeyska iyo dhiirarka qofka oo xisaab ahaan u soo saaro mashiinkan casriga ah.

Gelinka hore ee maalintii waxaa uu ka shaqeeyaa goob lagu qurxiyo Ilkaha oo lagu magacaabo Al-azhar Dental Cleaning, halka gelinka dambe uu ku shaqeysto miisaankan casriga ah oo isagu iska leeyahay.

Dhanka kale Shariif waxaa uu haystaa Shahaado Jaamacadeed iyo Diploomooyin dhanka caafimaad ah, wuxuuna diiday inuu sugo shaqo xafiis ama shaqo la’aan noolaado, wuxuuna muddo la shaqeynaayey Al-azhar Dental Cleaning.

Tani waxay tusaale u tahay in dhallinyarada ay shaqo abuuran karaan xitaa iyagoo goob kale ka shaqeysta oo mushaar keliya aan bil la sugin, sababtoo ah lama sheegin mushaar lagu taajiray.