Maxay ahayd ujeeddada weerarrada Al-Shabaab ee deegaanka Soomaalida?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mid ka mid ah saraakiisha Liyu Booliska deegaanka Soomaalida oo aan magaciisa sheegin oo wakaaladda wararka Reuters u warramay wuxuu sheegay weerarka Al-Shabaab inuu ka dhashay sargaal ka tirsan Al-Shabaab oo damacsanaa inuu gudaha Itoobiya dhaqdhaqaaq ka sameeyo oo gudaha Itoobiya lagu dilay.

Ka hor inta uusan dagaalka billaabmin booliska gaarka ee deegaanka Soomaalida tuulada Hela-Madow oo ka tirsan Degmada Ceelkarri baaritaan ay ka sameeyeen waxay ku soo saareen hub noocyadiisa kala duwan oo meel ku aasnaa.

Wixi intaa ka dambeeyeyna booliska deegaanka waxay xabsiga u taxaabeen shaqsiyaad la sheegay iney ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Warmurtiyeed uu golaha ammaanka ee deegaanka Soomaalida uu habeennimadii Sabtida soo saaray waxay ku sheegeen ujeeddada weerarrada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen gudaha Itoobiya iney ahayd iney degmada Ceelkarri sii maraan si ay ula midoobaan jabhadda Oromada ee OLF oo ka dagaallanta deegaanka Oromada.

Hase yeeshee kooxdan islaamiyiinta ee Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqdo ee Al-Shabaab ilaa iyo hadda kama aysan hadal sababta ku kalliftay iney xilligan Itoobiya soo weeraraan iyo qasaaraha dagaalka kaso gaaray midna.

Maalintii Isniinta oo ku beegneed 18-ka July 2022-ka tuulada Laas-Qurun oo aan ka fogeen degmada Feerfeer ee Gobolka Shabeelle ciidamada Liyu Booliska Deegaanka waxay dagaal kula galeen Al-Shabaab.

Maamulka deegaanka Soomaalidana waxay sheegeen dagaallamayaashii Al-Shabaab ee isku dayay iney xadka ka soo tallaabaan ay cagta mariyeen, walow ay jirin sheegashadaas cid madax bannaan oo xaqiijineysa.

Ciidamada amniga deegaankana waxay sheegeen iney dagaallamayaal Al-Shabaab ay dileen qaarna ay noolasha ku soo qabteen hub bandanna ay ka qabsadeen.

Hase yeeshee Al-SHabaab ayaan ka hadal dagaalkii Isniinti dhexmaray iyaga iyo Liyuu Booliska.