Maxay Al-shabaab ugu hadli la’yihiin magacaabidda Abu Mansuur?

MUQDISHO-AYAAMAHAMukhtaar Roobow Abu-Mansuur ayaa maalintii shalay ahayd loo magacaabay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golahaasi oo ka kooban 74, oo isugu jira wasiirro, wasiiru dowlayaal iyo ku xigeenno.

Warka in lagu darayo golaha wasiiradda Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa in dhawaalaba la isla dhax marayey iyadoo su’aalo la iska weydiinayay sida ninkan oo muddo afar sana xabsi guri ku jiray, oo horay uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab uu dowladda uga mid noqon karo.

Magacaabidda Abu-Mansuur waxaa ka dhalatay hadal hayn ah iney gacan ka geysan karto la dagaallanka Al-Shabaab oo ay dowladda Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ay dhawaan ka dhawaajisay

Ururka Al-Shabaab uu horay uga tirsanaan jiray Shekh Muktaar Robow (Abu-Mansuur) ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xilka ay dowladda dhex u magacaawday Abu-Mansuur.

Mukhtaar Roobow, ayaa xabsiga loo taxaabay bishii Disembar ee sanadkii 2018-kii, xilli uu waqti kooban ka harsanayd doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ka mid ahaa murashaxiinta ugu cadcad.

Xarigiisa ayaa sababey in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad rayid ah, iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Rooboow.