Maxay Dowladda Federaalka uga aamustay xasuuqii ciidanka dowladda loogu geystay Cowswayne?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shalay waxaa deegaanka Coswayne ka dhacay weerar ay Alshabaab oo dhawaan deegaankaas laga saaaray ay kusoo qaadeen halkaas waxaa shalay lagu laayay ciidamo farabadan kuwaas oo halkaas ku dhintay halka Kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka taliska la weeraray waxa ay ka koobnaayeen afar Urur, labbo gorgor ah iyo labbo ciidanka Uganda laga keenay ah (halkii urur oo gorgor ah waa 430, sidaas daraadeed waa ciidan 1,900 ku dhow.

Dowlada Somalia ayaan wax wara kasoo saarin weerarkaas degaanka Coswayne lagu xasuuqay ciidanka xoogga dalka.

Hadaba dowlada Somalia waa maxay sababta ay dowlada Somalia ugu hadli wayday weerarka Alshabaab ay ku xasuuqeen ciidamada dowladda ee joogay furinta hore ee Cowswayne?

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaliya Sheikh Shariif ayaa ka hadlay kana tacsiyeey weerarkaas ka dhacay deegaanka Cowswayne.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii argagaxisada Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda”.

Madaxweyne Shariif  ayaa ku baaqay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarka “Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas”.