Maxay tahay farriinta cusub ee Hay’adda Humar Right Watch u dirtay Xasan Sheekh Maxamuud?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hay’adda Humar Right Watch ayaa ka soo saartay warbixin dheer xasuuqii loogu geystey deegaanka Gololey ee ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe illaa siddeed shaqaale caafimaad ah.

Warbixinta ay hay’adu soo saartay ayaa waxaa loogu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu amro in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanadi hore loogaga sameeyay dilkan.

HOOS KA AKHRISO

Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka dhacay xasuuq ba’an oo lagu xasuuqay siddeed ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

Gelinkii dambe ee Maajo 27, 2020, shan nin oo wejiyada soo duubtay – afar la sheegay inay wateen dareeska dawladda – ayaa toddoba nin oo shaqaale caafimaad ah ka afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’ad aan dowli ahayn.

Waxa kale oo ay kaxeysteen nin farmashi ka ag dhawaa xarunta iibinayay dawooyinka. Dableyda ayaa sideedii qof u soo dhaqaaqay, iyagoo indhaha ka xiray, waxayna ka tageen dumarkii ay isla shaqeynayeen.

Muddo 24 saac ku dhow ayay bulshadu isku dayday inay soo hesho raggaas. Gelinkii dambe ee 28-kii May, ayaa meydadkooda oo rasaastu ka dhacday laga helay meel ka baxsan tuulada.